Maxey dalalka Khaliijka kaga dhigan tahay soo laabashada Donald Trump?

Wadamada Khaliijka waxay qabaan rajo badan iyo sidoo kale walaac badan waxayna wax walbo ku xeen daaban yihiin soo laabashada madaxweyne Donald Trump ama inuusan soo laaban.

Wax ka yar saddex bilood ayaa ka harsan qabashada doorashada guud ee dalka Mareekanka sidoo kalena madaxweyne Donald Trump gobolo badan oo dadka aragtidooda laga aruuriyay wuu ku hooseeyaa oo waxaa dhanka kalsoonida ka heesto musharaxa madaxweyne ku xigeenkii hore Joseph R. Biden, laakiin Trump waa siyaasi karti badan dadaalkiisa badan yahay kana badbaaday guuldarooyin hore, sidaas darteed doorashada November ma ahan mid laga sii hordhici karo.

Sanadkaan 2020 waxyaabaha Trump uu kaashanayo waxaa ugu muhiimsan taageerida uu xisbigiisa Republican-ka ka heysto iyo dhaqaalihiisa awoodda badan sidaa darteed fursad walbo ayuu u heystaa in dib loo doorto oo uu afar sano kale Mareykanka sii hogaamiyo.

Haddaba maxay kaga dhigan tahay dalalka Khaliijka ama gacanka cadmeed in mar labaad lasoo doorto Donald Trump?

Dalalka qaarkood sida dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman wuxuu Trump u yahay saaxiib dhow oo dhibaatooyin badan ka badbaadiyay halka dalal kale oo ay Iran ku jirto ay soo laabashada Trump u arkaan cadaadis kusii badanaayo.

IRAN:

Waa dalka halista ugu badan u arkaan inay ku tahay haddii Trump mar labaad lasoo doorto maadaama uu si adag ula dagaalamay dhanka dhaqaale iyo cadaadis militari uu saaray awgeed, sidoo kalana Trump wuxuu balan qaaday inuu cunaqabateynta Iran kusii xoojin doono ilaa ay miiska wada hadalada ku aadan arimaha Nugliyeerka dib ugu soo laabaneyso.

Inta badan dalalka Khaliijka waxay walaac ka muujin jireen wadahadaladii xukumaddii Obama iyo Iran ee ku aadanaa heshiiska Nugliyeerka laakiin haatan waxay u riyaaqsan yihiin siyaasadda adag ee Trump kula dhaqmayo Iran, sidaa darteed xukuumadda Tehran marnaba ma dooneyso in Trump mar labaad xafiiska kusoo laabto. Sidoo kalana waxaa macquul ah in Trump siyaasadiisa cadaadiska ah ee Iran ka dhanka ah inuu badalo haddii mar labaad lasoo doorto taasi oo dalalka reer Carbeed cabsi xoogan galin karta.

IRAQ:

Inta badan Trump wuxuu rabaa inuu Ciraaq ciidamada Mareykanka ka joogaan kasoo wada saaro balse halista Iran leedahay awgeed midaas ma sameyn karo, waxayna walaac xooggan ku tahay dadka reer Ciraaq, haddii Mareekanka iyo Iran dagaalka ka dhaxeeyo dhulkooda loo soo wareejiyo waana arrin hadda muuqata. Weliba dilkii janaraal  Qassim Suleimani oo gudaha Ciraq lagu dilay kana dambeeyeen Mareykanka waxay aad kaga careysiisay xukuumadda Tehran.

Sidaa darteed xukuumadda Ciraq wey u baahan tahay taageerada Mareykanka balse uma baahno in dhulkeeda lagu dul dagaalamo, arrimahaas awgeed waxay jeclaan lahaayeen isbadal dhanka hoggaanka Mareekanka inuu ka dhaco si mareykanka ula yimaado siyaasad cusub oo ku saabsan wadamada Khaliijka isla markaana loo helo Ciraaq oo si madax banaan aayaheeda uga tashan karta.

Arrimaha Militari & balamaha kale uu Mareykanka kula jiro Khaliij-ka:

Trump waa nin marwalbo u taagan inuu qalabka iyo hubka militari ka iibiyo dalalka Khaliij-ka wuxuuna u arkaa dalalkaas inay yihiin macaamiisha Mareykanka ee loo iib geeyo badeeco iyo adeeg military,  waligiisna dalalkaas ma tusin inay ka go’an tahay garab istaag iyo ka shaqeynta  danno maslaxadooda ku aadan. Sidaa darteed dalalka Khaliij-ka uma arkaan badankooda Trump soo laabashadiisa dan inay ugu jirto madaama ay ogaadeen in dantiisa kaliya tahay hub inuu ka iibiyo si uu lacagtooda kaga qaato halkii uu adeegyo kale u qaban lahaa ama siyaasad ahaan dalalkaas isku xiri lahaa.

Muranada ka jira gudaha gacanka cadmeed.

Xiisada ugu weyn ee ka dhex taagan Sacuudiga, UAE, Bahrain, Masar oo dhinac ah iyo Qatar waxba kama qaban xukuumada Trump. marka hore waxay dhaliileen Qatar balse kadib siyaasadooda wey badaleen oo waxay iska dhigeen dhex dhexaadin inay wadaan midaasna ma aysan sameynin waayo Mareykanka ma lumin karaan muhiimada saldhigyada cirka gudaha Qatar ku leeyihiin. Sidaa darteed dalalka Khaliijka waxay rabi lahaayeen in Trump meesha ka baxo si hoggaan cusub oo dhanka Mareykanka loo helo loona ogaado mowqifkooda siyaasadeed dhanka uu yahay.

YEMEN:

Mareykanka waxay taageereen dagaalka Yemen ka socdo ee Sacuudiga uu hogaaminayo, laakiin dhanka diblomaasiyada xoogga ma saarin sidii arrimaha Yemen wadahadalo loogu dhameyn lahaa, Sacuudiga waxay rabaan dagaalka Yemen inay isaga baxaan balse ma sameyn karaan haddii aysan taageero buuxdo ka helin Mareykanka. Sidaa darteed gobolka oo idil waxay dan ugu jirtaa inuu Trump meesha ka baxo si siyaasadda Mareykanka halka ay u socoto loo ogaado, Mareykanka haatan dalalka Carabta ugu dhaqaalaha badan sida Sacuudiga, UAE iyo Qatar mid walbo si gaar ah ayuu saaxiib ula yahay dantiisa ayuuna wax walba ka hormariyaa.

Arrinta Israel iyo Falastiin:

Sida caadiga ah Mareykanka lagama maro danaha Israel, inkastoo arrinkaas dalalka Carabta ku dhibsadeen, haddane Falastiin ayay marwalbo dhibaatada gaarka ah heysataa, sidaa darteed waxaa jirta rajo ku aadan haddii Donald Trump uu meesha ka baxo in hoggaanka cusub ee Mareekanka uu Falastiin ula dhaqmi karo qaabka hadda mid ka duwan. Trump wuxuu garab taagan yahay Israel laakiin kuma boorinaayo iney si deg deg ah dhulka Falastiin ku qabsadaan ee wuxuu rabaa in arrinta la dajiyo ayadoo aan maslaxada Falastiin laga talineyn, waxaana midaas la qaba dalal badan oo reer Carbeed kuwas oo danahooda u arka in Falastiin iska dulmanaato, sidaa darteed waa muhiim isbadal dhanka hogaanka Mareekanka inuu dhaco bisha November si isbadal siyaasadeed oo muuqdo uu kaga dhaco Bariga dhexe.

Walaaca guud ee gacan cadmeed ka jiro:

Walaaca ugu weyn ee dalalka gacanka cadmeed qabaan ayaa ah in siyaasada Mareekanka ay hadba waji yeelaneyso tan iyo markii uu Trump xafiiska la wareegay, sidaa darteed haddii November hoggaanka Mareykanka la wareego Joseph R. Biden waxaa laga yaabaa inuu la yimaado siyaasad cad oo ku saabsan wadamada Khaliij-ka, madaama ay cabsi xoogan ka qabaan halista Iran kaga imaan karo xili walbo.

Trump waxaa lagu nacay wajigiisa dhabta ah inaan la ogeyn waxayna Carabta u arkaan kaliya inuu lacagtooda ka qaadanayo halkii uu difaaci lahaa, waxayna aaminsan yihiin haddii Joseph R. Biden la doorto November inuu la imaan doono siyaasad militari iyo mid dhaqaale oo uu dalalka Carabta kaga ilaalin karo halista Iran ay gobolka ku hayaan.