Guddoonka iyo Guddiyada BF Soomaaliya oo yeeshay kulan xasaasi ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ee Golahaasi ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ajandayaasha muhiimka ah ee horyaalla xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii maalmaha soo socda loo soo gaba-gabeyn lahaa shuruucda hortaalla Aqalka Hoose.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday diyaarinta nidaamka geedi socodka, dardar gelinta Dastuurka KMG ah ee dalka iyo jiheynta dalka oo ku jiro marxalad kala guur ah.

Xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdikariim Xaaji Buux oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna sheegay in la’isku afgartay in la dadajiyo dhameystirka dhammaan shuruucda hortaalla Aqalka Hoose.

“Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka waxa ay isla garteen in la dadajiyo dhameystirka shuruucda hortaalla Aqalka hoose, sida loo kala hormarin lahaa, maalmaha loo kala xulayo, diyaarinta ajendayaasha iyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran qodobada horyaalla guud ahaan gaar ahaan kordhinta howsha Baarlamaanka si aan hakad ugu imaan shaqada.” ayuu yiri Xoghayaha Golaha Shacabka C/karooim Buux.,

Golaha Shacabka oo ku guda jiro kaldhigisii 7-aad oo ah midkiisii ugu dambeeyey ayaa waxaa horyaallo ajandayaal muhiim ah oo ay ugu horreyso doorashada 20/21.