Maxaa ka jira inuu is-casilay gudoomiyaha baarlamanka maamulka HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay warar laga faafiyey oo sheegayey inuu is-casilay, kadib war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa  Facebook-ga.

Sheekh Cismaan Barre ayaa xaqiijiyey in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana aysan waxba ka jirin.

“Waxaan halkaan ka xaqiijinayaa in warka baraha bulshada lagu daabacay ee shegaya is casilaada uu yahay war been abuur ah” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu u digayo dadka qaar ee faafinayo wararka aan jirin, si loogu Jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa HirShabelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa muddo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana hakad ku jira howlihii baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli uu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyey guddoonka baarlamaanka maamulka HirShabelle iyo madaxda sare ee maamulkaasi, kuwaas oo marar badan isku qabto arrimo kala duwan.