Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan oo xilka is-casilay, kadib qaraxyadii magaalada Beirut

Beirut (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Xasan Diab ayaa  shaaciyey inuu is-casilay, kadib qaraxyadii xooganaa ee ruxay caasimada dalkaas ee Beirut.

Xasan Diab ayaa is-casilaadiisa maanta uga dhawaaqay warbaahinta dowladda, ka gadaal markii ay isa soo tareen dibad-baxyada looga soo horjeedo xukuumaddiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun ayaa aqbalay is-casilaada ra’iisul wasaarihiisa, balse wuxuu xukuumadda ka dalbaday inay si KMG ah shaqada u sii wato.

Is-casilaada ra’iisul wasaare Xasan Diab  ayaa imaaneysa, xilli xaaladda adag ay wajaheyso Lubnaan, kadib musiibadii ka dhacday magaalada Beirut.

Shacabka ayaa dalbaday is-bedal deg-deg ah, kadib mudaharaadyo xiriir ah oo ay ka dhigeen magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Qaraxyadii gil-gilay Beirut ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 ruux, halka ay ku dhaawacmeen kumaan kale oo shacab ah.