Imaamka Al-Azhar oo si weyn u diiday qorshe lagu abuurayo diin cusub oo la yiraahdo…

Qaahira (Caasimada Online) – Imaamka Al-Azhar, Sheikh Ahmed Al Tayyeb ayaa si xooggan u cambaareeyey isku day lagu aas-aasayo diin cusub oo la yirhaado Ibraahiimiyad, oo la abuurayo ayada oo la mideynayo saddexda diin ee Islaamka, Kirishtanka iyo Yahuudda.

Dadka ololahan wada ayaa ku dooda in saddexda diin ay isku asal yihiin oo laga soo gaaray Nebi Ibraahim Calayhi Salaam, laguna magacaabo “Abrahamic Religions.” 

Isaga oo ka hadlayey shir ka dhacay Al-Azhar, ayaa waxa uu isku daygan ku qeexay dhalanteed iyo xoriyadda damiirka qofka oo lala wareego.

Waxa uu isku daygan la meel dhigay calmaaniyeynta iyo dhameynta taariikhaha. 

“Baaqyadan waxay sida muuqata ku saabsan yihiin mideynta Yahuudda, Kirishtanka iyo Islaamka oo laga dhigayo hal diin oo lagu magacaabo Ibraahiimiyad,” ayuu yiri Sheikh Ahmed Al Tayyeb. 

“Baaqyadan waxay la mid yihiin calmaaniyeynta, dhammaadka taariikhaha, anshaxa caalamiga ah iyo wax la mid ah. Dusha sare waxay uga muuqdaan sare u qaadidda isku duubnida aadanaha iyo midowgooda, iyo soo afjaridda khilaafyada,” ayuu ku daray. 

Waxa uu si kastaba sheegay in soo jeedinta noocan ah ay bani’aadamka ka qaadeyso xoriyadda diimaha.

“Innaga oo ka duuleyna rumeynteena diimaha samaawiga ah, waxaan rumeysanahay inaysan suurta-gal aheyn in bani’aadamka ay ku heshiiyaan hal diin, marka la eego kala duwanaanshaha dadka ee midabka, caqiiqdada, maskaxda, luuqadaha iyo xitaa raadka faraha. Dhammaan arrimahan waa taariikhi iyo xaqiiqo saynis ah, waxaana tani sidoo kale xaqiijiyey qu’raanka kariimka ah,” ayuu yiri 

Doodda ku saabsan in saddexda diin la mideeyo ayaa sare usii kaceysay dhowaanahan, gaar ahaa tan iyo markii dhowr dal oo Carab ah oo Imaaraadka Carabta hormuud u yahay ay xiriir diblomaasi la yeesheen Israel.