Dil ka dhacay Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qof Haweeneey ah lagu dilay agagaarka Isbitaalka Digfeer, waxaana dilkeeda kasoo baxaya warar kala duwan.

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa toogtay Haweeneeyda oo lagu magaacbi jiray Dahabo Jimcaale Tooxow, xili ay ku sugneed Gurigeed oo ku yaalla agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dahabo ay ka tirsaneyd Ciidanka dowladda, sidaasina ay u beegsadeen dableyda hubeysan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, ayada oo xaafada uu dilka ka dhacay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, oo bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo raggaasi.

Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay magaalada Muqdisho ku soo badanayey dilalka qorsheyn ee loo geysanayo Askarta ka tirsan ciidanka dowladda iyo dad shacab ah, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtaan kooda Al-Shabaab, halka kuwo kalena ay geysanayeen Kooxo Burcad ah.