Rooble iyo madax maamul goboleedyada oo gaaray go’aan la xiriira doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka. 

Kulankaas u dhaxeeyay Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Kulankan ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ay war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku shaaciyeen inuu faray maamul goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaanada golaha shacabka billaabaan 16-ka November 2021.

Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqay guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 November 2021,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa xukuumadda Rooble ka codsaday in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.