Imaaraadka Carabta oo $3.5 milyan ku qortay CC Shakuur kadib CC Sharmaarke

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Alleastafrica ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ka qoratay wakiilkeeda labaad ee ka shaqeynaya danaheeda siyaasadeed, sarena u qaadaya magaceeda.

Warbixin uu qoray oo cinwaan looga dhigay “Twitter goes wild as Somali diplomat mocked over ” only UAE helped us’ claim” ayaa dhammaadkeeda waxaa ku xusan in Imaaraadka ay siyaasad dabacsan u adeegsanayaan sidii ay Soomaaliya saameyn ugu yeelan lahaayeen, ayna shaqaaleynayaan dad Soomaaliya caan ka ah oo magacooda sare u qaada.

Sida laga soo xigtay saraakiil, ayaa wargeyska Alleastafrica, waxa uu leeyahay “Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah wasiirkii hore ee qorsheynta qaranka waxaa loo magacaabay la-taliyaha labaad ee siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya, ayada oo lagu abaal mariyey lacag dhan 3.5 milyan oo dollar”

Waa siyaasigii labaad oo Soomaali ah oo Imaaraadka ay ka shaqaaleeyaan Soomaaliya, ayada oo horey dowladda dalkaas ay u shaqaaleysay Cumar Cabdirashiid.

Kadib markii uu toddobaadkii tagey kasoo laabtay magaalada Dubai oo uu Muqdisho yimid, ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu durba weerar siyaasadeed ku qaaday dalk Qatar oo ay xurguf kala dhaxeyso Imaaraadka, kuna sheegay dal “taageera argagixisada”

Halkan ka aqri warbixinta Alleastafrica.com 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com