Sawiro: Jen. Mukhtaar oo si KMG loogu wareejiyay xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilkii Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa si kumeeel gaar ah loogu wareejiyey  Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax kadib Munaasabad kooban oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye

Taliyihii hore ee Booliska Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo Axadii la soo dhaafay ay xilka ka qaadeen Golaha Wasiirada ayaa xilka ku wareejiyay si kumeel gaar ah  ugu wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa Taliye kuxigeenka 1aad ee Booliska.

Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, isagoo faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan, isla markaasna ay kasoo baxaan waajibkooda Qaran.

Taliyihii hore ee Booliska ayaa Generaal Mukhtaar ku amaanay inuu yahay nin howlkar ah isla markaasna kasoo bixi karo shaqada sida kumeel gaarka ah loogu dhiibay.