Akhriso: Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka oo war xasaasi kasoo saaray xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxgaradka 135-ka ah ee soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka.

Waxgaradkaan oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban Sagaal qodob ayaa ugu horreyn waxay tacsi ka direen shacabkii ku dhintey qaraxyadii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii iyo 28-kii October.

Xubnahan ayaa soo dhoweeyay dedaalka uu wado madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kulanka uu isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxay sidoo kale taageero xooggan u muujiyeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, iyaga oo soo dhoweeyay dedaalka xasilinta amniga guud ee dalka.

Qoraalka ay soo saareen waxgaradkan ayaa sidoo kale waxaa lagula dardaarmay xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka, looguna baaqay iney mid noqdaan oo ay ka fogaadaan xilligaan siyaasadaha is diidan.