Asmara (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale dib usoo nooleeysay ka hadlidda lacagtii ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay markii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli ay taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Madaxweyne Farmaajo, Khere iyo Jawaari.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan lacagtaas lasoo marsiin wadadii sharciga aheyd waxayna ku dooday inay aheyd wax aan lagu wargelin in lacag intaas la eg diyaarad lasoo saaro waqti xasaasi ah.
Dr. Anwar Gargash oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay laba arrin oo xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka kala dhaxdeyo Soomaaliya xilli uu Farmaajo joogo Asmara.
Midda koowaad ayuu Dr. Anwar Gargash ku sheegay inay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan raagelin.
Wuxuu sheegay in lacagta 9-ka Malyan ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ay aheyd mid loo waday Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwii ay iyaga tababari jirtay oo hadda la kala diray.
Isagoo Khudbad ka jeedinayey Xarunta Cilmi-Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan qiratay khaladka ay ka gashay Imaaraadka isla markaasna ay hadda ka sugayaan raali gelin buuxda.
“Waxaan ka sugeynaa dowladda Soomaaliya inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay” ayuu yiri wasiirka
Midda labaad Wuxuu ku sheegay inay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka labada dowladood oo soo jiitamayey muddo badan.
Ma uusan sheegin cidda ama Dowladda dhex dhexaadintaas ka dhex sameeneyso Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya balse waxaa loo badinayaa inay tahay dalka Eratariya oo uu Safar ku joogo Madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn saartay midda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar.
Khilaafka ayaa cirka sii galay markii dowladda Imaaraadka Carabta ay garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada taaso keentay inay dowladda Soomaaliya gasho jahwareer siyaasadeed oo miisaankeeda ka badan.
Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]