Imaaraadka Carabta oo u cararay Erdogan kadib markii ay galeen go’doon siyaasadeed

Ankara (Caasimada Online) – Kadib bilo wada-xaajoodyo sir ah, iyo wada-hadallo taleefon oo heer sare, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Tahnoun bin Zayed al Nahyan ayaa Arbacadii Ankara kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ay cadow u aragtay Abu Dhabi.

Shantii sano ee ugu dambeysay, Ankara ayaa si shaacsan ugu eedeyneysay Imaaraadka Carabta inay maal-geliyeen afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii.

Hase yeeshee kulankii Arbacada ayaa loo arkaa “bilowga waa cusub” oo u baryey xiriirka labada dil, sida uu sarkaal sare oo Turkish ah u sheegay Middle East Eye.

Turkey ayaa kulankan u aragta tallaabo muhiim ah. Tahnoun bin Zayed waa sarkaalka ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ee sirdoonka qaranka, arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda arrimaha dbibedda, iyo qorshayaasha sirta ah. Sidoo kale, wuxuu ku hooyo yahay madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, wuxuuna ku hooyo iyo ku aabe yahay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

“Waxaan awood u yeelan doonnaa inaan la kulano Mohamed bin Zayed maalmaha soo socda,” ayuu yiri Erdogan Arbacadii, isaga oo intaas ku daray in kulanka la diyaariyey kadib wada-hadallo ay yeesheen hay’adaha sirdoonka labada dal.

“Waxaan rajeynaa inaan xalin doonno dhibaatooyinka gobolka, maadaama aan nahay dad isku dhaqan iyo isku diin ah.”

Ayada oo maamulka Biden uu hadda ka taliyo Mareykanka, saraakiisha Turkey ayaa rumeysan in Abu Dhabi ay dareemeyso go’doon iyo cidlo xilli ay wajaheyso halis uga iman karta Iran. 

“Kaligood ma hor-istaagi karaan Tehran,” ayuu yiri sarkaal Turkish ah. “Aad ayey uga argagaxsan yihiin ka bixitaanka Mareykanka ee gobolka, waxayna dib u qiimeynayaan mowqifyadooda.”

Xiriirka Imaaraadka Carabta ee xulafadeeda ugu dhow ee Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale dhowaan xumaaday, ayada oo labada boqortooyo ay ku loolamayaan inay soo jiitaan maal-gashiga shisheeye, kuna kala tageen dagaalka musiibada ah ee Yemen. 

Riyadh ayaa bishii tagtay mamnuucday u safarka Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira kiisaska Coronavirus ee sare uga sii kacaya, tallaabadaas oo saraakiisha Turkish-ka ay u arkeen mid siyaasad ay ka dambeyso.

Cayaar fog

Imaaraadka Carabta ayaa shukaaminayey Ankara tan iyo bilowgii sanadkan. Bishii Janaayo, wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa soo jeediyey in xiriirka labada dal dib loo hagaajin karo.

“Wax dhibaato ah kuma qabno Turkey, sida arrimo xuduud iyo arrimo kale,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in haddii Ankara ay joojiso taageerada ay siiso Ikhwaanul Muslimiin, ay labada dal saaxiibi karaan.

Imaaraadka ayaa kadib fududeeyey cadaadiskii uu ku hayey ganacsatada Turkish-ka, waxayna dib u billaabeen duuliaadmyadii u dhaxeeyey Istanbul iyo Dubai iyo Abu Dhabi.

Turkey ayaa dhankoodana dhowaanahan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ka mid tahay inay ka codsadeen taleefishin ay mucaaradka Masar ku leeyihiin Turkey inuu joojiyo barnaamij siyaasadeed caan ah, tallaabadaas oo ay soo dhoweeyeen Imaaraadka Carabta.

Waqtigii hore loo socon lahaa

Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in isaga iyo Tahnoun bin Zayed ay dejiyeen qariidad ay Imaaraadka maal-gashi ugu sameysanayaan Turkey mustaqbalka. 

Dhaqaalaha aan shidaalka aheyn ee Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay hoos u dhacay 6%, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah oo rumeysan in Abu Dhabi ay fursad dhaqaale ka aragto Turkey, oo la filayo in dhaqaalaheeda uu sanadkan kobco 5%. 

Qatar oo ah xulufada ugu weyn ee Turkey ayaa sidoo kale balaayin dollar ku maal-gashatay dalkaas.

“Khilaafka ugu weyn ee la xiriira Ikhwaanul Muslimiin waa uu dhintay hadda, sababtoo ah ma jirto meel ay hadda ka taliyaan,” ayuu yiri sarkaal kale oo Turkish ah.