Damaca iyo dagaal ka dhex qarxay madax goboleedyada oo halis gelinaya doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa wajaheysa caqabad cusub, hase yeeshee haddii marar badan lagu eedeeyey inay ka socon la’dahay Farmaajo, waxay hadda u xayiran tahay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Oline, loolan xooggan oo salka ku haya damac iyo dano siyaasadeed oo ka dhex-jira madax goboleedyada dalka, ayaa meesha ka saaraya in doorashada lagu soo dhammeeyo sanada 2021 gudihiis.

Madax goboleedyada dalka iyo Rooble ayaa la filayaa inay Muqdisho ku kulmaan Sabtida kadib markii kulan lagu waday inuu dhex-maro 19-ka bishan uu u baaqday safarka uu ra’iisul wasaaraha uga maqan yahay dalka.

Sida aan xogta ku helnay, kulankaas ayaa waxaa horyaalla laba qodob oo xasaasi ah oo kala ah ah:

1- Habraaca doorashada golaha shacabka: Madax goboleedyada ayaa si aad ah u doonaya inay soo saaraan ama lasoo saaro habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga, si ay doorashada golaha shacabka ugu dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn.

Ayaga oo fahamsan qorshaha madax goobleedyada, ayey guddiga doorashada soo saareen habraac doorasho oo lagu soo beegay laba malamood kahor shirkii baaqday ee 19-ka bishan.

Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo.

Doorashada Aqalka Sare ayaa noqotay mid umadda oo idil ay ka wada-qeylisay sida loo musuq-maasuqay, ayada oo aysan dhicin wax doorasho lagu tilmaamo karo, balse ay madax goboleedyada soo xuleen saaxiibadood, xigtadood iyo xulufadooda siyaasadeed.

Si taas looga hortago, Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa soo saaray habraac doorasho, oo lagu xadiday awoodda madax goboleedyada, balse madax-goboleedyada ayaa hadda doonayaa in taas waxa laga beddelo.

Xubno ku dhow Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

2- Deegaan doorashada: Waxaa weli jira isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada golaha shacabka oo laga dhigo hal magaalo. Qorshahan oo dhowr mar la isku dayey, balse la isku raaci waayey ayaa mar kale miiska saaran.

Madaxda maamul goboleedyada intooda badan ayaa doonaya in deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo, si gaar ahna Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni.

Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, sidaas darteedna way ku adag tahay in doorasho ay ku qabtaan Garbahaarey iyo Beledweyne.

Saciid Deni, kuma adka inuu doorasho ku qabto Boosaaso iyo Garoowe, hase yeeshee wuxuu ugu daneynayaa saaxiibkiis Axmed Madoobe. 

Dhanka kale, qorshahan ayaa waxaa aad uga soo horjeeda madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo ku adkeysanayaa inaan heshiiska doorashada wax laga beddelin. 

Ma cadda sababta uu Qoor Qoor ugu dheggan yahay laba magaalo, balse waxaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Haddii aan doorasho lagu qaban Garbahaarey, wuxuu Farmaajo weynayaa maamulka 16-ka xildhibaan ee halkaas lagu soo dooranayo.

Waxaan weli caddeyn mowqifka Cabdicasiis Lafta-gareen, oo mar taageersanaa in hal deegaan doorasho laga dhigo doorashada, sababo la xiriira amniga magaalada Baraawe, balse waxaa la sheegayaa in hadda uu isagana wajahayo cadaadiska Villa Somalia.

Labadan qodob, ayaa haddii aan xal laga gaarin, waxay sii dheereyn kara xarig-jiidka doorashada Soomaaliya.