Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda wararka ee Arabianbusiness.com ayaa baahisay warbixin ku saabsan Heshiiska u dhexeeyay dowlada Imaaraadka iyo maamulka Puntland.
Shabakada ayaa qortay in Heshiiskii u dhexeeyay Imaaraadka carabta iyo maamul Puntland uu kusoo idlaaday guul mirro dhal u ah dowlada Imaaraadka.
Waxa ay qortay in Heshiiskaasi uu dhigaayo in Shirkadda P & O Ports ay si buuxda u kaamili doonto dhammaan dhismaha iyo qalabeynta Dekadda Bosaaso.
Arabianbusiness, waxa uu qoray in Shirkadda P & O Ports ay Dekada maamuli doonto muddo 30-sanno ah, isla markaana looga danbeyn doono maamulka iyo shaqooyinka ka bilowan doona Dekadda.
Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Shirkaddu maalgelin ballaaran ku samayn doonta Nidaamka Hawlgalka Dekedda iyo qalabaynteeda oo dhamaystiran.
Heshiiska ay shirkada 30-sanno kula wareegeyso Dekadda ayaa la sheegay inay suuragal tahay in la kordhiyo waa haddii ay Puntland u ogolaato in lasii wado Heshiiska Imaaraadka iyo maamulka.
Dhinaca kale, Heshiiska noocaani ah ayaa marka dhinacyo badan laga eego dhaawici kara Qaranimada Somalia, inkastoo dowlada Somalia ay gaashaanka ku dhuftay Heshiisyada lala galay Puntland iyo Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

