Dhaqaale intee la’eg ayaa ku baxaya dhismaha dekadda Boosaaso?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Imaaraadka carabta ayaa qoraal dheer ka sameeyay Heshiiska dhawaan dhexmaray Dowladda Imaaradda Carabta iyo maamulka Puntland.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Dowladda Imaaradda ay ku guuleysatay Heshiiskii bilaha qaatay ay la gashay maamulka Puntland.

Waxa ay qoreen in Shirkadda P & O Ports ay dhismaha Dekedda Bosaaso labada waji ku bixin doonto lacag dhan 336 million oo Dollar.

Warbaahinta oo xiganeysa Madaxa Shirkadda Ports, Customs & Freezone Corporation (PCFC), Suldaan Axmed Bin Sulaymaan ayaa sheegay inay Dekedda Bosaaso tahay Fursad qaali u ah dowlada Imaaraadka Carabta.

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan, waxa uu sheegay in Heshiiska Dekada uu yahay mid ujeedo fog leh, waxa uuna meesha ka saaray in Imaaraadka ay dayici doonto fursadaasi.

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan, waxaa laga soo xigtay in dowlada Imaaraadka ay Dekadaasi ka macaashi doonto faa’iidada ugu horeysa waxa uuna carab dhabay in fursada ceynkaasi ah aysan soo mari doonin Imaaraadka.

Dekedda Bosaaso oo 2.000 KM dhanka Waqooyi kag toosan magaalladda Muqdisho waxay kaabiga ku haysa Deegaan Istaraatijiyad leh oo ku yaalla Gacanka Cadmeed.

Shirkadda P & O Ports, ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa noqoneysa shirkada labaad oo laga leeyahay dalka Imaaraadka taa oo heshiis lagashay maamulada ka jira dalka.

Dhinaca kale, Shirkadda DP World oo iyana laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa heshiis ceynkaani ah la gashay maamul Goboleedka Somaliland, walow dowlada Somalia ay aad uga carootay Heshiisyada ay shirkadahaani la galayaan Maamulada dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com