Masar oo siyaasad cusub u dejisay dowlada Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa xusul duub adag ugu jirta kamid noqoshada dowladaha miisaanka ku dhex leh Siyaasada Somalia.

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi, ayaa sheegay in dowladiisu ay dib usoo celin doonto howlihii kala dhexeeyay dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in Masar ay ahmiyad u leedahay Somalia.

Al-Sisi, waxa uu sheegay in dowladiisa Masar ay qaadi doonto talaabo lagu kasban doono Somalia, waxa uuna carab dhabay in culeyska ay saari doonaan dhinacyada Siyaasada iyo Ciidamada.

Waxa uu farta ku goday inuu lumay xiriirka Masar iyo Somalia, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro gaabis dhankooda ah.

Cabdulfataax al-Sisi, ayaa si gaara u muujiyay in Somalia ay ka caawin doonaan dhinac waliba, balse waxa uu cadeeyay inay ka fiirsan doonaan Siyaasada ay la wadaagayaan Somalia, maadaama dalka Somalia aanu ka jirin maamul caga fiican ku taagan.

Dowladaha deriska la ah Somalia ayuu carab dhabay inay ka gaabiyeen howlihii kaga aadanaa Somalia, isagoo taa bedelkeeda sheegay inay ka faa’iideysan doonaan dayacaada dowladahaasi.

Haddalka Cabdulfataax al-Sisi ayaa kusoo beegmaaya xili uu hoos u dhacay xiriirka Somalia kala dhexeeyay dowlada Ethiopia oo la rumeysan yahay in Cadaawad kala dhexeyso Masar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com