Imaaraadka oo billaabay hab cusub oo amniga dalka Soomaaliya lagu wiiqayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka carabta ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in digniintaasi ay tahay mid si toosa ugu socta dhammaan Muwaadiniinta kuwa heysta dhalashada, waxaana la sheegay in digniintaani ay tahay mid la cusbooneysiiyey oo la xiriirta dhinaca Socdaalka iyo Amniga.

Wasaarada arrimaha dibadda ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Somalia tagaan inaysan heli karin Amni iyo Socdaal ku filan maadaama ay weli jiraan Xiisado Siyaasadeed iyo Caafimaad darro baahsan, waa sida hadalka loo dhigay.

Muwaadiniinta ayaa lagu wargaliyay inaysan heli doonin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, sidaa aawgeed looga digaayo inay ka feejignaadan u socdaalida dalal ay kaalinta koowaad kaga jirto Somalia.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uusan ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada, isla markaana ay jiraan cabsiyo joogta ah.

Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka  ayaa muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalida dalal ay kamid yihiin Qatar, Brazil, Lubnaan, Syria, Afganistan, Pakistan, Yukrayn, Nigera, Koonfurta Suudaan iyo  Madagaskar.

Dowlada Imaaraadka oo waayadan la hadal hayay inay kaalin weyn ka qaadato amni darada sida Qaraxyada ayaa digniinteeda kusii xoojineysa shakiga amni darro ee laga qabay, maadaama al sheegay inay garab u tahay Al-Qacida.

Sidoo kale, digniinta Imaaraadka ayaa u muuqneysa arbushaad iyo qalqal galin amni oo ay dowlada Imaaraadka ku heyso Somalia, iyadoo loo maraayo saxafada.

Talaabadan ay dowlada Imaaraadka muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalida Somalia ayaa ku soo beegmeysa xili uu meel xun gaarsiisan yahay Khilaaf Siyaasadeedka Somalia iyo Imaaraadka oo xalintiisa lagu fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com