Sawirro: Go’aano muhiim ah oo kasoo baxay kulankii Kheyre iyo Erna Solberg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dawladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday dawladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

–DHAMMAAD–