Madaxweyne Farmaajo: 10 sano wax aan dhicin ayaa ramadaankii tagey dhacay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey inay dowladiisa ku guuleysatay inuusan wax qarax dhicin bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay taasoo uu ku sheegay inay ka dhigan tahay inay bishaas noqotay bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin muddo 10 sano ah,

“ Bishii hadda  lasoo dhaafay oo noqotay 10 sano kadib Bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin runtii maaheyn wax shil ah oo dhacay waa howl aad looga shaqeeyey iyo qorshe la dajiyey oo aan ku amaanayo ciidamadena amniga ,oo runtii si hufan oo wanaagsan oo karti badan u shaqeeyey, oo habeen iyo maalin usoo jeeday sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen qolooyinka hororka ah oo dhibaatada maalin kasta ku hayo umadda Soomaaliyeed” ayuu dhahay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhibaatada ay leedahay jidadka xiran ayaa sheegay inay arrintaas ka weyn tahay dhibaatada laga cararayo oo ah inay Magaalada ka dhacaan qaraxyo ay ku dhintaan shacab badan, wuxuuna yiri:

“ Waa xaqiiq dhibaato way iska jiri karaan, caqabado waa iska imaan karaan, culeysyo waa iska jarayaan oo isku socodka magaalada ah, Shacabka waa dulqaateen waa ku mahadsan yihiin inay gacmo buuxda siiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga ayna u dulqaataan culeysyadaas faraha badan oo safaradooda uga  imaanayo haday ka daahaan shaqooyinka iyo waxbarashada, wax kalana maahan  waxaan ka taxadareynaa oo aan ka shaqeeneynaa sidii aysan u dhicin qaraxyo iyo dhibaatooyin ay ku la’daan dad badan oo hooyadii gurigeeda kasoo shaqo tagto, aabihii gurigiisa kasoo shaqo tago iyo ardaydii waxbarashada soo aaday ay guryahooda ugu noqdaan si nabad ah” ayuu yiri Farmaajo,

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii xusay in wax kasta ay ka qaalisan tahay nafta isla markaasna ay dadaalayaan inkastoo uu dhahay ay wax kasta ku xiran yihiin Alle:

“ Waa dhab waxaa laga yaabaa inay saacado jidka ku jiraan waxaase ka muhiimsan Ilaahaa nafta hayo  inaan taxadarno oo dhiigaas daadanayo la badbaadiyo” ayuu kusoo gabagabeeyey Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

Caasimada Onlne

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com