24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya kadib markii bilihii ugu dambeeyey laga daabulay Kismaayo Maraakiib  aad u waaweyn oo lagu raray dhuxul xad dhaaf ah.

Waqti xaadirkaan Dekadda Kismaayo waxaa taagan ilaa 24 doomood kuwaas oo lagu rarayo dhuxul iyadoo ay xusid mudan tahay in 5 kamid ah doomahaas lagu raray dhuxusha halka kuwa kalana la doonayo in Maanta ilaa Berri lagu soo dhameeyo.

Baabuurta Xamuulka ee dhuxusha lagu raro oo gaarayo ilaa 100 Gawaari ayaa loo kala diray labada Xiro ee Dhuxusho lagu sii keediyo ee ku yaal Duleedka Magaalada Kismaayo kuwaas oo kala ah:

  1. Via Afmadow camp
  2. Baar Caleen Camp.

Garaawidaan boqolka gaarayo ayaa lasoo sheegayaa inuu qorshuhu yahay in lagu soo raro dhuxusho isla markaasna Sagaalka galabnimo xilliga Soomaaliya la isugu keeno Xerada Marino iyagoo raran sidaas ay Shanta galabnimo ku galaan Dekadda Kismaayo.

Sidoo kale qorshaha ayaa ah in Shanta galabnimo ee Maanta ilaa Berri 5-ta aroornimo dhuxushaan lagu raro doomaha ku diyaarsan Dekadda Kismaayo.

Arrintaan ayaa dhibaato xoog leh ku noqon doonto dhuxusha Soomaaliya iyo geedaha oo lagu hayo xaalufin ba’an, waxaana arrintaan dhawr jeer ka digay Hey’adaha Qaramada Midoobay.

Cabdullaahi Nuur Xuseen oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay xaalufintaan dhibaato weyn ku tahay deegaankooda isla markaasna wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay soo farageliso xaalufinta iyo nabaad guurka lagu helayo Gobolka.

Howshaan xaalufinta ah ayaa waxaa iska kaashanayo shirkad ganacsi oo lasoo sheegayo inuu qeyb ka yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno sar sare oo ka tirsan Maamulkiisa.

Caasimada Onlne

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com