Xildhibaan Hirshabelle oo ka badbaaday isku day dil

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Hirshabelle ayaa maanta oo Arbaco ah ka badbaaday weerar lala eegtay gaarigiisa oo marayay gudaha magaalada Muqdisho.

Mahad Xaaji Indho oo ka mid ah xildhibanaada Hirshabelle ee matala beelaha laga tira badan yahay ayaa waxaa gaarigiisa rasaas ku ekeeyey rag hubeysan oo saarnaa mooto, sida uu boolisku sheegay.

Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaasi oo ka dhacay waddada caanka ku noqotay weerarada ee Makkah Mukaramah.

Mahad ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu isagu waday gaariga markii uu dhacayay weerarka,  waxaana la socday walaalkii Bidik Haji Indho oo gadaal fadhiyay. Wuxuu sheegay inay ka war heleen laba nin oo mooto saaran misana gaarigooda ku daba jira.

“ Gaariga ayaanx awaareeyay, waxayna billaabeen inay rasaas nagu furaan, wadada weyn ayaan ka leexanay oo waxaan u leexanay bar koontorool oo mialatari”ayuu yiri Mahad.

Mahad wuxuu intaasi ku daray in walaalkii Bidik   oo  ah macallin bara luuqadda Ingriiska  ay  dhowr jeer u hanjabeen kooxaha Islaamiyiinta oo arko barista Ingiriiska inay tahay faafinta dhaqanka reer galbeedka.

Weerar noocan oo kale ah ayaa lagu qaaday xildhibaan ka tirsan maamul goboleedyada isbuucii hore halka laba bilood ka horna lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Booliska ayaa sheegay inay ku raad joogaan kuwii ka dambeeyay weerakan u dambeeyay, balse ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com