Imaaraadka oo la ogaaday inuu soo hindisay qorshaha Qudus lagu wareejinayo

New York (Caasimadda Online) – Wargeyska New York Times  ayaa kashifay in Boqorka Dalka Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zaid uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee lahaa aragtida ah in la dajiyo xiisadda Israa’iil iyo Falastiin isagoo Madaxweyne Trump ku baraarujiyey arrintaan.

Wargeyska ayaa xaqiijiyey Maalintii Axadda aheyd in soo deejinta Boqorka Abu Dubai ay keentay inuu Trump diyaariyo qorshaha heshiiska Falastiin iyo Israa’iil ee la doonayo in Israa’iil loogu aqoonsado inay tahay Dowlad isla markaasna ay Qudus noqoto Caasimadda Isra’iil halka Abu Dis laga dhigi doono Caasimadda Falastiin taasoo lagu tilmaamay inay tahay boob lagu sameenayo dhulka Reer Falastiin.

Heshiiska uu Maxamed Bin Zaid ku dhiiri geliyey Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” wuxuuna ujeedkiisa ugu weyn yahay in Caasimadda Israa’iil loo aqoonsado Qudus.

Sidoo kale heshiiskaas ayaa dhigayo In Falastiin ay ka talin doonto Gaza iyo Daanta Galbeed halka Israa’iil ay lahaan doonto dhammaan dhulalkii ay sida xoog ah uga qabsatay Falastiin.

Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii uu Sanadkii 2017 xilka la wareegay Trump ka shaqeenayey waxa ay ugu yeertay dajinta xaaladaha Siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyadoo heshiiskaas cinwaan looga dhigay (Heshiiska Qarniga) inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada uu ka koobnaan doono.

Madaxweyne Trump ayaa mar kasta ku celceliyo inuu Falastiiniyiinta ku qabsi doono inay aqbalaan in Israa’iil loo ogolaado meelaha ay xoog uga qabsatay wuxuuna arrintaan taageero Maaliyadeed uga helayaa Wadamada  Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Dowlado kale oo Carbeed.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheeneysay inay heshiiskaan soo bandhigto iyo qaabka loo fulin doonto marka ay dhamaato Bisha Ramadaan oo Maanta ah 29, waxayna illo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegayaan in arrintaan dib loo dhigay markii Ra’isulwasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu uu ku fashilmay inuu soo dhiso Xukuumadiisa cusub.

Falastiiniyiinta ayaa si weyn uga hor imaaday qorshahaan ay wadaan Mareykanka iyo qaar ka tirsan Dowladaha Carabta waxayna ku tilmaameyn inay arrintaas ka hor imaaneyso heshiiskii labada dhinac ee dhacay sanadkii 1967.

Caasimada Online
Xafiiska New York 
Caasimada@live.com