Imaaraadka oo mar kale shirqool u dhigaaya wiilka uu dhalay Cali Cabdalla Saalax

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen warbaahinta Yemen dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wada qorsho ay wiilka Cali Cabdalla Saalax ugu adeegsaneyso duulaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta ee ka socda Yemen.

Wararka laga helayo magaalada Abu Dhabi ayaa sheegaya in dowlada Imaaraatka ay dagaalkaasi ku gacan siineyso wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalax Madaxweynihii hore ee Yemen, sidii uu dib ugu noqon lahaa Yemen.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhaqaale xoogan ku bixineysa wiilkan oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in Xuutiyiinta laga saaro Yemen.

Axmed Cali Cabdallah Saalax oo horey u ahaan jiray Taliyihii Ciidamada Jamhuuriga ee Yemen ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay xabsi guri ku jiray dalkaasi Imaaraatka oo uu ku noolaa.

Axmed Cali, wuxuu ku goodiyey inuu u aargudi doono aabihiisa oo Isniintii lagu dilay dagaalo ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada Yemen, isagoo garab ka helaaya dowladaha Xulafada Sacuudiga ee dhibaatada kawada Yemen.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in wiilka Cali Cabdalla uu kamid noqdo shaqsiyaadka la filayo in ay hogaanka u qabtaan Xisbigii Saalax ee GPC.

‘’Dhiiga aabaheyd waxa uu halaag hor leh u abuuri doonaa Xuutiyiinta iyo kuwa adoonsanaaya ee la yiraahdo Iran, waxa uu noqon doonaa mid kasii shanqari doona dhagaha Xuutiyiinta’’

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa la sheegay inay sidoo kale dileen Tariq Maxamed Cabdullahi Saalax oo uu adeer u ahaa Cali Cabdullahi Saalax ahaana ninkii hogaaminayey maleeshiyaadkiisa.

Sidoo kale, warbaahinta Yemen ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka ay shirqool u maleegeyso Axmed Cali, si lamid ah shirqoolkii ay u dhigtay aabihii oo gudaha asbuucan ku baxay gacanta Xuutiyiinta.

Qaarkood ayaa qoraaya in dilka Madaxweynihii hore ee Yemen uu ahaa mid loogu tallo galay isla markaana looga aargoosanaayay khilaaf hore oo marxuumka kala dhexeeyay Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa uuna markii ugu danbeysay Yemen ku laabtay isagoo garab ka helaaya Imaaraadka.

Geesta kale, Magaalada Sanca ayey weli ka jirtaa xiisad weyn iyadoo ay weli qeybo kamid ah magaalada ka socdaan dagaalo, waxaana sii xoogeystay duqeynta ay diyaaradaha Sacuudiga ku wadaan magaaladaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com