Xog: Indha Cadde oo ku hungoobay xil uu muddo ka raadinayey dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indho Cadde” uu ku hingoobay rajadiisii ku aadaneyd xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee Somalia.

Ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaan kasoo xiganay in dowladu ay Indha Cadde raali galin ka siisay in loo magacaabo xilkaasi sababo la xiriira awood qeybsiga iyo heerka uu gaarsiisan yahay Khibrada shaqsiga loo magacaabayo xilka.

Codsiyada Indha Cadde oo muddo laba asbuuc ka badan yaala Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa raali galin ka bixiyay Ra’isul wasaare Kheyre oo isagu kaalin weyn ku leh xulista Taliyayaasha Hay’adaha amaanka miiska u saran Farmaajo.

Xilkan oo iminka banaana ayaa waxaa ku loolamaaya ilaa Siddeed Musharax oo ay ku jiraan kuwo horay usoo fashilmay iyo kuwo soo hayay Garsoorka dalka oo xilalkoodii hore ku waayay Musuq, wallow ay iminka isku soo hareen ilaa laba musharax oo mid ay wadato Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ka fiirsanaaya shaqsiga ay u magacaabi doonaan xilka Taliyayaasha NISA iyo Booliska oo iminka la shaqeyn la’ Taliyayaal la’aan.

Ma cadda sida uu arrinku noqon doono waxaase soo baxaaya in shaqsiyaadka loo magacaabayo xilalkaasi ay baaritaano badan mari doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com