Heshiiska Xaaf iyo Shaakir oo la diiday (War culus oo kasoo baxay Cadaado)

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa qaadacay heshiiska Villa Somalia ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaafa iyo kan Ahlusunna Sheekh Shaakir.

Xildhibaanada oo heshiiska dhexmaray labada dhinac kadib shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Heshiiska Xaaf iyo Shaakir uu yahay mid lagu burburinaayo Galmudug.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen inaanu waxba ka jirin Heshiiskaasi isla markaana Xaaf uu yahay Hogaamiye aan xiligaani gali Karin Heshiis lagu matalaayo maamulka, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanadu waxa ay cadeeyen in burburka Galmudug ay mas’uul ka noqon doonto Villa Somalia, oo ay ku eedeeyen inay durbaanka u tumeyso dhabihii lagu burburin lahaa maamulka, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay Xildhibaanadu cudur daar ka dhigteen inay aheyd in Heshiiska ka hor inta aan la saxiixin la horkeeno baarlamaanka, hase yeeshee uu noqday mid u dhexeeyay laba shaqsi oo keliya.

Waxa ay sheegeen in heshiiskaan ay galeen Koox yar oo mucaarad ku ah Maamulka Galmuudg sida ay hadalka u dhigeen iyo Xaaf oo baxsad u ah Ahlusunna.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in Galmudug ay galeyso doorasho lagu dooran doono Hogaamiye Cusub oo bedeli doona Xaaf, sida ay haddalka u dhigeen taa oo dhici doonta 15 bishaan.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili Hogaamiyaha Galmudug iyo Sheekh Shaakir ay wada galeen Heshiis dhigaaya in hogaamiyaha Ahlu Sunna uu noqonayo Madaxa Xukuumada Maamul goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com