Aqriso qodobo kasoo baxay shirkii xalinta khilaafka dekada Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa deegaanada maamulka Puntland ka socda shirar lagu dhameystiraayo waanwaan la doonayo in lagu xaliyo khilaaf ka dhextaagan maamulka dekadda iyo Ganacsatada kaa oo ka dhashay kordhinta canshuurta laga qaado badeecada kasoo degta Dekadda Bosaso.

Shir u dhexeeyay Isimada Puntland oo ka dhacay Hotel Gacayte ee magaaladda Bosaso ayaa waxaa lagu soo bandhigay go’aan lagu xalinayo khilaafka ka dhashay kordhinta canshuurta.

Isimada Puntland ayaa qodobada ay soo bandhigeen ku doonaaya in loo adeegsado xal ka gaarista khilaafka Dekadda waxa ayna kulamo kala duwan la qaadanayaan maamulka iyo Ganacsatada diidan kordhinta qiimaha ay Dekadda kala soo dagaan badeecada.

Shirarka isimada ee xalka looga gaarayo khilaafka Dekadda ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar kamid ah haweenka ganacsatada ee Bosaso.

Go’aanka qodobeysan oo ay soo saaren Isimada ee xalka loogu raadinaayo Khilaafka Maamulka iyo Ganacsatada ayaa ahaa:

1-In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.

2-In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.

3-In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.

Isimadu waxa ay sheegen in ujeedka Go’aankaasi uu yahay mid leysugu soo dhaweynaayo labada dhinac oo khilaafkooda uu saameeyay ganacsiga.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa ogolaaday qaybo ka mid ah kordhinta tireefada canshuuraha iyo khidmadaha. Tariifada cusub ayaa muddo 5 bilood shaqayn doonta.

Geesta kale, Dekadda Boosaaso ayaa asbuucyadan aheyd mid ku shaqeyneysay si gaabis ah, waxaana ugu wacan khilaafka Ganacsatada kala dhexeysa maamulka Dekadda la wareegay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com