Farmaajo oo heshiiska Galmudug iyo Ahlu-Suna kadib ka digay hal arrin oo suuragal ah (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi ‘’Farmaajo’’  ayaa ka hadlay heshiiska ay wada galeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ee ka dhacay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa heshiiska uga mahad celiyay Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Ahlusuna oo uu sheegay inay adkeysi u muujiyeen heshiiska la gaaray.

Waxa uu labada Hogaamiye ku ammaanay halka ay soo gaarsiiyen wadahadalkooda, wuxuuna ugu baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska la gaaray.

Waxa uu Farmaajo sheegay inay caqabad noqon karto haddii aan la dhaqan galin heshiiska la kala saxiixday, waxa uuna cadeeyay in DFS ay ahmiyad gaara siin doonto la socodka waxa ka dhaqan galay heshiiska.

Waxa uu soo hadalqaaday in dhibaatooyinka ka dhalankara burburka heshiiska la kala saxiixday uu noqonkaro in dib loo kala gurto oorta oo uu ula jeedo in lagu laabto halkii laga soo bilaabay xalka.

‘’Waxaan idinku boorinayaa in laga dhabeeyo dhaqangalka heshiiska dhacay, dowladu waxa ay diyaar u tahay inay qeyb ka noqoto xal waliba oo laga gaarikaro khilaafyada Galmudug’’

Madaxweynaha JFS ayaa Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaanada iyo shacabka Gobolada Dhexa ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan sidii horey loogu sii socon lahaa, si looga baxo dhibaatooyinka hada ka jira Gobolada Dhexe.

‘’Labada Gole iyo shacabka Galmudug waxaan ugu baaqeynaa inay is garabtaagan maamulka oo ay ka shaqeeyan sida xalka looga gari lahaa dhibaatooyinka dhaca’’

Waxa uu ka dalbaday Shacabka iyo madaxdaba in ay isku tanaasulaan isla markaana ay noqdaan kuwo waxwalba wada qeybsada sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda iyo Shacabka deegaanada Galmudug ay noqdaan kuwo u hoggaansamo hehsiiskaas isla markaana dhaqan geliya.

Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa shalay gelinkii dambe heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Soomaaliya iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Maxamed (Farmaajo) iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee dowladda Federaalka.

Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha, Hogaamiyayaasha

Maamu Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad Lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.