IMAARAADKA oo qaaday tallaabo cusub xilli uu weli ka aamusan yahay kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa booqday xafiiska ra’iisul wasaaraha, xilli uu Imaaraadka weli ka aamusan yahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya inta badan caddeeyeen mowqifkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulankaan kasoo saaray qoraal kooban, laguma soo hadal qaadin in labada masuul ka wada-hadleen damaca Itoobiya, taasi oo ka dhigan in Imaaraadka uu weli ku adkeysanayo ka aamusnaanta arrintaan xasaasiga ah.

Lama oga sababta Xamza uu arrintaan ugala hadli waayay safiirka Imaaraadka, ayada oo maalmo kahor uu Danjireyaasha dalalka UK iyo Talyaaniga oo uu xafiiskiisa ku qaabilay uu kala hadlay is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa, ayada oo Soomaaliya ay garab istaag u muujiyeen ururro iyo dalal saaxiib la ah, halka kuwa kalena ay ka aamuuseen.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka ka aamusay xiisadda taagan, xilli uu si weyn u daneeyo Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya sababta dalkaan saaxiibka la ah Soomaaliya uusan uga hadlin xiisaddan, iyada oo soo baxayaan warar sheegaya in uu heshiiskan uga aamusan yahay isaga oo eeganaya danahiisa dhaqaale ee Somaliland.

Marka laga imaado aamusnaanta Imaaraadka, waxaa Soomaaliya si weyn ugu muujiyay garab istaagay dalal uu kamid yahay Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka, ayada oo laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana xoojisay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Itoobiya, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay dhawaan burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.