Booliska DF oo shaaciyay khasaaraha qaraxii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Booliska ayaa shaaciyay in qaraxaas ay ku dhinteen saddex ruux, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka agdhawaa, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Qof naftii haliga ahaa ayaa isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayada Al-Hindi oo ku taala degmada Xamarweyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa qoraalka Booliska lagu sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu hadda ka socdo baaritaan oo dhawaana la bixin doono faah-faahin dhammeystiran.

Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ayaa ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Sidoo kale waxaa halkaasi ka agdhaw wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Halka uu qaraxa ka dhacay ee naftii haligaha uu isku qarxiyay ayaa ah halkii sanadkii hore 2023-ka ay dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka galeen markii ay weerarayeen xarunta gobolka Banaadir.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa dhowrkii billood ee lasoo dhaafay si weyn uga reysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhan ah, wallow ay mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyada loo adeegsado jaakadaha.