26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Imaaraadka oo qaadeyso tallaabo cusub oo ay ku daandaasaneyso Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dhawaan baarlamaanka labada aqal ee Somaliland ayaa ansixiyey heshiiskii dhex maray dowladda imaaraadka carabta iyo  Maamulka Somaliland taas badalkeeda Dawlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay cabasho ka gudbiso dawladda Imaaraatka Carabta [UAE] saldhigga ay ka kireysatay Somaliland.

Dhinaca kale  imaaraadka ayaa bilawday qorshooyin kale oo danaheeda uga fiirsaneyso dhulka Soomaaliya  iyadoo qorsheeneyso inay   la wareegto Dekadda magaalada Boosaaso,  waxayna shirkad dalkaasi ka tiran heshiis lala galay uu dhigayo inay dib u dhisto dekadda Boosaaso oo ka mida dekadaha waaweyn ee Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa dhawaan qorsheeneyso inay dhammaan maamulka goboleedyada uga yeerto dalkeeda si ay imaaraadka wadahadalo gaar gaar ah halkaas ugula yeelato,  waxaana markii ugu horreysay loo yeeray maamulka Puntland iyadoo uu halkaas tagay madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Sababta ka dambeyso inay imaaraadka dalkeeda ugu yeerto maamul goboleedyada Soomaaliya ka jiro ayaa ah sidii aysan saameyn ugu lahaan laheyn danaha ay soomaaliya ka leedahay dowladda cusub oo uu horkacayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Tallaabada ay qaadeyso imaaraadka ayaa la sheegay inuu xad gudub weyn ku yahay  heshiisyada caalamiga ah waxaana arrintaan lagu tilmaamay inay tahay daandaansi siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News