Imaaraadka oo sabab yaab leh uga aamusan heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ay ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxaa iska soo daba baxayay bayaano caalami ah oo la xiriira xiisadda ka dhalatay heshiiskan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaasi, ayada oo Soomaaliya ay garab istaag ay muujiyeen ururro iyo dalal aan la filayey, halka kuwa kalena ay ka aamuuseen.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka weli ka aamusan xiisadda taagan, xilli uu si weyn u daneeyo Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya sababta dalkaan saaxiibka la ah Soomaaliya uusan uga hadlin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa.

Maxay tahay sababta uu Imaaraadka uga aamusan yahay arrinkaan?

Axmed Saki Faarax Iidle oo ka faallooda xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu heshiiskan uga aamusan yahay isaga oo eeganaya danahiisa dhaqaale ee Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Itoobiya iyo Imaaraadka ay ku wada biireen ururkan BRICS oo ay hogaamiyaan Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika iyo Brazil, ayna taasi keenayso in uu si weyn uga fiirsado oo uusan ku deg degin ka hadalka xiisaddan.

“Imaaraadku waa dalka kaliya ee maal-geliyey dowladda Somaliland ee u dhisay dekaddan Berbera marka iskaashigooda awgii waxay u muuqataa in ay Imaaraatku u yar dhowyihiin Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yiri Axmed Saki Faarax.

Sidoo kale waxa uu qabaa in haddii uu Imaaraadka ka hadlo xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa “in Itoobiya uu taageero ayaa uga dhow in uu Soomaaliya ku taageero khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac, ee ka dhashay xad-gudubka Itoobiya.

Marka laga imaado aamusnaanta Imaaraadka, waxaa Soomaaliya si weyn ugu muujiyay garab istaagay dalal uu kamid yahay Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka, ayada oo laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana xoojisay inay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay maalmo kahor burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.