SOMALILAND oo si yaab leh uga hadashay cadaadiska caalamka ee heshiiska

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si yaab leh markii ugu horeysay uga hadashay cadaadiska caalamiga ee la xiriira heshiiskii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Somaliland ayaa hoos u dhigtay baaqyada kasoo baxay dalalka caalamka ee heshiiska BADDA, ayada oo sheegtay in qoraalada kasoo baxay aysan cambaaraynayn heshiiska uu Muuse Biixi kusoo galay Addis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in bayaannada sida is daba jooga ahaa uga soo baxayay dalalka caalamka saacadihii lasoo dhaafay aysan marnaba ka hor imaaneyn heshiiska ay Somaliland uga kireynayso Itoobiya dhul badeed dhan 20KM, xilli uu inta badan caalamka si cad uga horyimid xad-gudub ka dhan ah midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Sidan looga hadlayo maaha, badankooda hadalo iska diblomaatika oo qabow ayay u dhignaayeen, qaar waxay dhinacyada ugu baaqayeen in ay isdajiyaan oo xiisada dajiyaan, sidii kii kasoo baxay IGAD iyo Midowga Afrika oo kale,” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Kan kasoo baxay dowladda Mareykanka waxa aanu u arkaynaba in uu anaga na difaacayo.”

Cali Mareexaan ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in heshiiska Itoobiya uusan aheyn midkii ugu horreeyay ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, balse ay jiraan kuwo lamid, sida heshiiska Berbera ee DP World.

“Halkii ay aqbali lahaayeen xaqiiqada (dowladda federaalka) waxay ku badalaan cunfi iyo dagaal. Waan idin xukumayna nagama go’i kartaan, heshiis ma gali kartaan oo cid lama macaamili kartaan. Marka adigoo Itoobiya ku hinaasin oo maryaha qubin oo cadhoon adiguba na ictiraaf oo sida Sudan iyo Itoobiya yeeshay aan laba walaalo ah noqono oo is aqoonsano,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.