Xiriirka K/Cagta oo go’aan culus kasoo saaray ciyaartii Banaadir iyo HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho.

Xiriirka ayaa sidoo kale shaaciyay natiijada kulankii shalay kadib markii loo joojiyay rabshado hareeyay garoonka, ayada oo uu dhibcaha kulankaas siiyay xulka dowlad-goboleedka HirShabeelle, taasi oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.

“Wuxuu go’aansaday guddiga; In Natiijada ciyaarta dhibcaha la siiyay maamul goboleedka HirShabeelle, natiijadaas oo ah 3 dhibic iyo 3 Gool, maadaama taageerayaasha Gobolka Banaadir laga wadi waayay Ciyaarta sida ku qoran warbixinta Garsoorka iyo Xeer-ilaaliyaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xiriirka, gaar ahaan Guddiga Dishibiliinka SFF.

Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in cidii aan ku qancin ay u furan tahay Rafcaan sida ku cad Xeerka Tartanka Qod. 11-aad Faqradiisa 2-aad, sida lagu yiri qoraalka Xiriirka kasoo baxay.

“Waxaan rajeynaynaa in aaf nala ilaalin doontaan Xeerka iyo Nidaamka Tartanka.”

Ciyaartii shalay ee Banaadir iyo HirShabelle ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo fowdo, ayada oo maanta ammaanka garoonka si weyn loo xakameeyay.

Waxaa garoonka lagu arkayaa maanta ciidamada rabshadaha ka hortaga oo aad loo soo badiyay, xakameynaya taageerayaasha, si looga baaqsado rabshado lamid ah kuwii shalay oo markii dambe baajiyay kulankii Banaadir iyo HirShabelle.