26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Imaaraadka oo shaaciyay cida u sababta ah horumarka ka socda Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay kusii talaabeyso wado hormarineyd oo muujin kara dhalashada ”Somalia cusub”.

Waxa ay dowlada Imaaraadka Carabta cadeysay in farqi weyn uu u dhexeeyo muuqaalka Somalia marka la eego xiligii hore iyo xiliga hadda lagu jiro.

Axmed Al-jarwaan oo ah Xoghayaha Seddexaad ee Ergadda Imaaraadka u joogta magaalladda Geneva, ayaa sheegay in horumarka ay ku talaabsatay Somalia ay kamid tahay Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Axmed Al-jarwaan, ayaa tilmaamay in Somalia ay ku talaabsatay isbedelka Siyaasada iyo Amniga, waxa uuna tusaale usoo qaatay dhowr dal oo ay Somalia kaga horeyso dhinacyada Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Axmed Al-jarwaan, ayaa sheegay in horumaradaasi ay ugu wacan yihiin QM iyo Midowga Afrika oo taageero ka geysanayaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Amni iyo deganaansho.

”Waxaan amaan u jeedinayaa QM iyo Midowga Afrika oo kaalin wanaagsan ka qaatay horumarinta Somalia, waxaan orankarnaa in guulaha ay gaartay Somalia ay sabab u yihiin Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika”

Mas’uulkaasi waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shirweynihii Seddexaad oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ku yeesheen Xaruntooda dhexe oo ku taalla magaalladda Geneva.

Sidoo kale, Axmed Al-jarwaan, ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay soo dhaweynayso wada-shaqeynta u dhexeysa Somalia, QM iyo Midowga Africa, waxa uuna ku baaqay inaan la dayicin Xuquuqda Aadanaha ee ka jira Somalia, gaar ahaan Badbaadinta Xuquuqda Haweenka, Carruurta iyo qeybaha kale.

Haddalka Axmed Al-jarwaan, ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Somalia ay ballanqaaday inay ka faa’iideysaneyso fursada ay heysato, si loo dhaqan galiyo isbedel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News