Imaaraadka oo shaaciyey kulan aan horey loo ogeyn oo ay la yeesheen R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa shaacisay kulan aan horey loo shaacin oo maalintii Sabtidii ay gudaha magaalada Muqdisho ku yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka, Mohamed Al-Osmani.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta twitter-ka ee Safaaradda ayaa lagu sheegay in Rooble iyo Al-Osmani ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, kaasi oo muddo badan uu ragaadiyey mad-madow badan.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Maxamed Axmed Al-Osmani ay si gaar ah u lafo-guray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa xiriirka labada, loona horumarin lahaa, sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtidii, 14-ka August 2021-ka qaabilay Mudane Maxamed Al-Osmani, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya. Intii uu kulanku socday waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo siyaabaha loo horumarin karo.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa inta badan xumaa muddadii uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xiriirka u wada-jiray dalalka ugu dhow Soomaaliya deris ahaan iyo ganacsi ahaan, sida Kenya, Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya.

Imaaraadka ayaa bishii April 2018 joojiyey tababarkii uu siinay jiray ciidamada Soomaaliya kadib markii dowladda ay garoonka Aadan Cadde ku qabsatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo loo waday howlaha safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Waxaa hadda socda dadaalo ay xukuumadda xil-gaarsiinta ku horumarineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dalka, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Rooble uu ku wajahayo arrimaha dibedda, si loo hagaajiyo xiriiradii uu xumeeyey Farmaajo.