Madaxweynihii cararay ee Afghanistan oo iska dhiibay dal ka mid ah KHALIIJKA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay “sababo bani’aadaminimo” u marti-gelineyso madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani kadib markii uu dalkiisa ka cararay xilli ay qabsadeen Taalibaan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta waxay xaqiijineysaa inay dalka kusoo dhoweysay madaxweyne Asharf Ghani iyo qoyskiisa, sababo bani’aadaminimo dartood,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Imaaraadka Carabta.

Ghani ayaa Afghanistan ka cararay Axaddii kadib marrii Taalibaan ay kusoo dhowaadeen Kabul, kahor inta aanay kooxda soo gelin magaalada, ayada oo aan la iska caabin.

Qoraal uu ku daabacay Facebook ayuu Ghani ku sheegay in “Taalibaan ay guuleysteen” islamarkaana uu dalka uga cararay si looga baaqsado “dhiig data.”

Halka uu ku sugan yahay ayaan horey loo ogeyn illaa maanta, waxaana warar la isla dhex-marayey ay sheegayeen inuu u cararay Tajikistan, Uzbekistan ama Oman.

Tani ma noqon doonto markii ugu horreysay ee Imaaraadka Carabta ay gacmo furan kusoo dhoweeyaan hoggaamiyeyaal hore iyo qoysaskooda oo kasoo cararay dalkooda.

Sanadkii 2017, Imaaradda Dubai ayaa marti-gelisay ra’iisul wasaarihii hore ee Thailand Yingluck Shinawatra, oo lagu xukumay shan sano oo xabsi isaga oo maqane ah.

Boqorka Spain Juan Carlos ayaa sidoo kale dibad-joog ku noqday Imaaraadka bishii August ee sanadkii tegay, xilli ay su’aalo ka taagnaayeen halka uu ka keenay hantidiisa.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale hoy u aheyd hoggaamiyihii hore ee mucaaradka Pakistan Benazir Bhutto muddadii sideedda sano ee dibad-joogga ay aheyd, kahor inta aan dalkeeda lagu khaarijin 2007. 

Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah saddex dal, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, oo aqoonsaday taliskii hore ee Taalibaan ee Afghanistan xukumayey 1996-kii ilaa 2001.