Afhayeenka Daalibaan oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira weriye Israeli ah

Kabul (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ee todobaadkan dib ula wareegay gacan ku heynta guud ahaan dalka Afghanistan ayaa beeniyey kuna adkeystay inuusan la hadlin warbaahinta Israel, sida uu qoray Arabi21.com.

Suhail Shaheen ayaa la maqlay isaga oo ka jawaabaya su’aalo ku saabsan xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Afghanistan, oo ay ku jiraan Yuhuudda, oo uu waydiiyey wariye u dhashay Israel oo aan markii hore is sheegin.

Wareysiga afhaayeenka Taalibaan ee Shaheen oo ahaa mid dhanka Taleefoonka ah ayaa la maqlayey isago weydiinaya suxufiga “Waa kee TV-ga aad ka shaqeyneyso?” Wariyaha ayaa ku jawaabay, “Kan News, Kan News”, waxaa TV-ga Kan laga leeyahay Israel.

Shaheen wuxuu tilmaamay in xarakadu u furan tahay inay la hadasho warbaahinta reer galbeedka iyo suxufiyiinta qaata aqoonsiyo kala duwan.

Mar wax laga weydiiyey Shaheen hambalyada ay kooxda Xamas usoo dirtay Taalibaan, wuxuu sheegay inay aad ugu mahadcelinayaan Dhaqdhaqaaqa iska-caabinta Islaamka ee Falastiin, balse wuxuu diiday inay wax wada-shaqeyn ah kala dhaxeyso Xamas.

“Waxaan u dagaalameynaa kaliya inaan xureyno Afghanistaan,” ayuu yiri isagoo hadalkiisa kusii daray “Wax iskaashi ah nagama dhexeeyo Xamas, waan u mahad-celinaynaa cid kasta oo noogu hambalyeynaysa madax-bannaanideena.”

Kooxda Taalibaan ayaa dib ula wareegtay talada dalka Afghanistaan kadib marakii uu Mareykanka kala baxay ciidamadiisa. Dawlado badan ayaa tan iyo markaas muujiyey dareenkooda ku aaddan xorriyadda madaniga ah iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Taalibaan waxay xaqiijisay inay ilaalin doonto xorriyadda qof walba iyadoo aan loo eegeyn aragtiyadooda diimeed iyo midooda siyaasadeed.