Imaaraadka oo si qarsoodi ah howl sharci daro ah uga wada dekadda Berbera

Hargeysa(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Bebera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dayactira Dekadda Berbera.

Dayactirka iyo howlaha Dekadda ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta kula jiraan Injineero ay wadato shirkada DP World oo iyadu laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.

Dekada Berbera oo murankeeda uu weli taagan yahay ayaa waxaa ka howlgalaaya inkabadan toban Injineero iyo shaqaale kor u dhaafaya todobaatan kuwaa oo gabi ahaan si xooli ah u wada howlaha ka socda Dekadda.

Howlaha ka socda Dekadda oo aan fasax loo qabin ayaa waxaa si awood ah u wada maamulka Somaliland iyo Shirkada DP World oo mataleysa Dowlada Imaaraadka carabta.

Gudaha Dekada ayaa waxaa ku sugan Saraakiil, Injineero iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Imaaraadka oo si dardar ah u wada howsha dhisme ee Dekadda, halka mas’uuliyiintuna ay yihiin kuwo dusha kala socda sida ay howsha u socto.

Howlaha Dekada oo horay loo hakiyay ayaa waxaa dib si qarsoodi ah loogu bilaabay muddo ka yar bil, iyadoo ay kusoo xirtaan Maraakiib iyo Doonyo waaweyn.

Maraakiibta nooca yaryar ee Imaaraadka ayaa kamid ah kuwa kusoo xirta waxa ayna wadaan qalab dhismo iyo adeegyo kale.

Rarka Maraakiibta ka imaada dalka Imaaraadka ayaa badi sida agab Militery iyo qalab lagu dhisaayo Saldhiga uu Imaaraadka ka sameysanaayo magaalada Berbera.

Dowlada Imaaraadka, Somaliland iyo Shirkada DP World ayaa si wada jira u wada qorsho lagu sii wadaayo dhismaha iyo howlaha kale maadaama ay arrinta tahay mid u muuqata in la ilaaway.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ku baraarugsaneyn howlaha dib uga bilowday Dekadda Berbera oo uu khilaaf heerkiisu sareeyo ka taagan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn fal celinta Dowlada Somalia ee howlaha ay Imaaraadka dib uga bilowday Dekadda Berbera.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com