Imaaraadka oo taageeray go’aanka India ee muslimiinta Kashmiir lagu ciqaabayo

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaraadka ayaa taageertay Dikareetadii Raysalwasaare Hindiya Narendera Modi uu ku laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah.

Safriika u fadhiya Imaraadka Dalka Hindiya Ahmad Al Banna ayaa ku tilmaamay go;aankaasi mid horseedi doono gobolka Kashmiir Barwaaqo iyo Nabad waarta, isagoo sheegay in arrintaasi tahay mid khusayso arrimaha gudaha ee dalkaasi oo ay tahay in la tixgaliyo.

” Waxaan rajaynayaa in isbedelka dhacay uu horseedi doono horumarinta cadaalada, amniga iyo kalsoonida Kashmuur, islamarkaana uu dhiirigalin doono deganaansho iyo amniga ka dhaca gobolka“ Sidaas waxaa wargayska Gulf news u sheegay Safiirka Albanna.

Imaraadku wuxuu muddu dheer xiriir wanaagsan la lahaa wadamada Hindiya iyo Baakistaan, waxayna aad uga fogaan jireen inay dhexgalaan khilaafka iyo colaada u dhaxaysa labadaas wadan ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

Imaraadku wuxuu ka mid noqday 8 wadan oo muslimiin ah oo Wadanka Shiinaha ku taageeray Sida uu ula dhaqmo muslimiinta Uyghurs ee Shiinaha oo Malaayiin ka mid ah lagu hayo xeryo waaweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com