Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Korneyl Caare iyo Somaliland

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, taasi oo muddooyinkii dambe hakad galisay dagaalkii labada dhinac.

Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo kamida Madax-dhaqameedka waan-waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dhex-dhexaadinta ay ka dhex wadeen xukuumada Somaliland iyo Jabhada Korneyl Caare.

Suldaanka ayaa sheegay in Jabhada Korneyl Caare ay isku af-garteen in xiisada kala dhaxeysa xukuumada Biixi ay wada-hadal ku dhameeyan, isla markaana ay dhinacooda ka jirin wax caqab ah oo sii hurinaysa xiisadaasi.

Suldaan Cade-gude ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xalka kama dambeysta ah ee xiisadaasi uu gacanta ugu jiro Madaxweynaha Somaliland oo hadda dalka Sacuudiga ugu maqan gudashada acmaasha Xaj-ka.

Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Markaan arintaas nuxurkeeda soo ururiyo waxba been badan iyo ku tidhi ku teen oo la sheegayaa waxba ma tarayaan balse ujeedadu waxa weeyaan in ninkaas sarkaalka ah iyo jabhadiisaba aanu ku soo dhamaysanay in arintaas si salmi ah oo isfaham iyo miiska wada hadalka lagu dhamaysto”.

“Arintaasna waxaan u soo gudbinaynaa oo aanu u soo anba baxnay dhinaca madaxweynaha runtiina intii aanaan hargeysa soo gaadhin caasimada ayuu xajka u baxay, isaga ayaa la sugayaa oo laga war dhawrayaa laakiin xagaas wax ku qaydhin oo xumaan ah haba yaraatee kuma ogin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Arintana xaqiiqatan inay xumaato iyo inay samaato waxay ku xidhan tahay madaxweynaha, wax kasta oo dalka ka jiraana inay waxay ku wanaagsanaanayaan iyo waxa ay ku xumaanayaan waxay ku xidhan tahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu waafajiyo sida xaqa ah ee wanaagsan ee dalkan iyo dadkanba dan u ah”.

“Shacabka Somaliland waxaan u cadaynayaa in arintaas aanu wanaag kaga keenay xagaas Sanaag, halkana iyada oo aanu wanaagii u gayn doono madaxweynaha iyo xukuumadiisa, wixii ka soo baxaana ay noqon doonaan wax madaxweynaha iyo xukuumadiisu haday wanaag ku dhameeyaana ay wanaag tahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com