IMAARAADKA oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Xasan iyo safiir Al-Cusmaani

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Safiirkeeda u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka kooban oo kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynihii hore uu Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani la wadaagay mahadnaq ku aadan kaalinta uu Imaaraadka ka qaatay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dowladda Imaaraadka ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixineyso dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoona xoojiyey xiriirka labada dal iyo xiriirka shacab ee soo jireenka ah.

“Waxa uu la kulmay Mudane Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani , Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu mahad-naq iyo bogaadin ugu jeediyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna xoojiyey xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dowladihii sida adag uga horyimid muddo kororsigii fashilmay ee gadaal ka riixeysay Villa Somalia, wuxuuna hormuud u ahaa wadamo si adag u cambaareeyay falal amni daro oo kal hore ka dhacay caasimada dalka, kuwaasi oo ka dhashay khilaafkii doorashada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe mad-madow badan ka jiray, ayada oo dhowr jeer ay dowladda federaalka si adag uga hortimid qoraalo kasoo baxay Imaaraadka oo ku aadana xaalada dalka.