Sawirro: Ciidamada DF iyo Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta ka dhacay bar laga maamulo amniga garnooka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka u ka dhashay, kadib markii ciidamada dowladda oo howl-gallo waday ay gudaha u galeen deegaanada  Tuula-xaadow & Cabdi Haaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadeen deegaanadaasi, xilli ay isku uruursanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyo halkaasi.

Si kastaba, xog aan helnay ayaa sheegeysa in maleeshiyada Al-Shabaab ay saaka 7-dii subaxnimo soo weerareen goobtaas laga maamulo amniga garoonka oo ay ciidanku ku sugnaayeen. Dagaal socday ilaa 1 saac ayaa la sheegay inuu goobtaas ka dhacay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyo 10 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarka, sida ay sheegayaan ilo-amni oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan magacooda la shaacin.

Saraakiisha ayaa xusay inay dagaalkaasi ku dileen ugu yaraan 15 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayna sidoo kale kasoo furteen hub badan, sida ay hadalka u dhigeen. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay weerar kedis ah ku qaadeen ciidaanka oo ay dileen 8 askari.

Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in xaaladda duleedka Dhuusamareeb ay aad u kacsan tahay, iyada oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shababa oo weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobolladaasi.

Waa wareerkii labaad oo toddobaad gudihiisa ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada Galmuudug.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab Axaddii hore ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.