General XUUD oo war kasoo saaray dagaalkii Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – General buukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha golaha la magac-baxay Kacdoonka Hiiraan ayaa faah faahiyey dagaal u dhexeeyey maleeshiyaadkiisa iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay Beledweyne.

Xuud oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan, wuxuuna qiray inay dhankooda uga dhaawacmeen 2 askari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka ka qarxay Beledweyne uu yimid, kadib markii sida uu sheegay looga baxay heshiis ay la galeen HirShabelle oo ahaa in shirar aysan ku qabsan karin magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka waxaa dhaliyay Hir-Shabeelle oo dhowr & toban Wasiir gelisay Magaalada si shir ay u qabsadaan, waxa ay ka baxeen heshiis ay nala galeen oo ahaa in aan kulan ama mas’uuliyiin kale imaan karin” ayuu wareysigan ku yiri Genaral Abuukar Xuud.

Generaalkan ka gooday dooerashadii HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa ku goodiyey in haatan wixii ka dambeeya ay xabad ku wajahi doonaan maamulka HirShabelle.

“Todobo bil ayaan wanaag & nabad raadineynay, dhinac waliba waa nalaga soo galay, waxa ay u muuqaataa in nala qasbayo balse ma aqbali doono, xal aan xabad ahayn kuma wajaheyno HirShabelle” ayuu markale sii raaciyay hadalkiisa.

Xaaladda Belweyne ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq u dhexeeya labada dhinac oo ka socda gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xiisadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maanta la filayo in golaha wasiirada HirShabelle ay shir xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Beleweyne oo bilihii u dambeeyey uu ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).