Xog: Loolanka gudoomiyaha guddiga doorashada ee la dooranayo maanta iyo Villa Somalia oo wadata musharax

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) oo uu 19-June-2021 magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muuse Geele Yuusuf waxa uu u doortay guddoomiye KMG ah oo fududeynaya doorashada guddoomiyaha iyo kuxigeenka FIEIT si loo fududeeyo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka.

Sida lagu sheegay War ka soo baxay guddiga FIEIT Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban-qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka guddiga

Muuse Geele guddoomiyaha KMG ah ayaa dhisay guddi ka kooban shan 5 xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka oo dhici doonto maanta oo Axad ah, 4-July-2021.
Guddoomiyihii hore  ee guddigan Maxamed Xasan Cirro ayaa u sheegay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiye ee guddigan oo loo doortay November-2020, isagoona ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.
Yaa ku tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal?
Illaa hadda inta la ogyahay 4 xubin oo kamid ah guddiga ayaa u taagan xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) waxa ayna billaabeen ololahooda ay ku doonayaan qabashada xilka guddoomiyaha oo guddiga iska dhex dooranayo maanta. Xubnaha u sharraxan xilka guddomiyaha FIEIT ayaa kala ah

1- Maxamed Muuse Maxamuud
2- Maxamed Xasan Cirro guddoomiyihii hore ee guddiga
3- Cabdi Xiis Aadan
4- Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq)

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan tahay islamarkaana u ololeyneyso in uu xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT)  ku soo baxo Maxamed Muuse Maxamuud oo gacansaar iyo saaxiibtinimo gaar ah la leh Villa Somalia.