Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda maamusha shaqaalaha muruq-maalka ee dekadda Berbera ee mamaulka Somaliland ayaa ku dhawaaqey shaqo joojin.
Waaxda shaqo joojinta ku dhawaaqdey ayaa hoostagta shirkadda StaveDorns, waxaana ay qaabilsaneyd adeega dejinta iyo raridda ee dekadda. Shaqaalaha shirkaddan hoostaga ayaa gaaraya 430 qof kuwaas oo xiliyo kala geddisan shaqada soo geli jirey.
Dekadda Berebra waxaa la wareegtey maamulkeeda shirkadda laga lee yahay Dubai ee DP World.
Maamulka shirkadda ay hoostagaan muqur-maalka ayaa shirkadda DP World ku eedeeyey in ay ku xadgudbeen xuquuqda shaqaalaha muddona u sabrayeen, waxaana dhibaatada ugu badan ka taagan tahay shaqaalaha ku dhaawacmey shaqada culus ee dejinta iyo rarida oo shirkaddu aanu wax xuquuq ah siin, waxaana shirkadda shaqada joojisey dalabatey in maamulka Somaliland soo faro geliyo.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

