Sacuudiga oo u dhacay Iran iyo Iran oo soo saartay jawaab kulal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Iran ayaa baahiyay in dowlada Iran ay Sacuudiga ku eedeyneyso Jabsashada bartooda Twitter-ka todobaadkii lasoo dhaafay.

Warbaahinta Iran qeybteeda Carabiga ee loo yaqaan ”Al Alam”, ayaa kamid ah warbaahinada baahiyay eeda dowlada Iran, waxa ayna sheegen in Sacuudiga ay halis ku tahay xasiloonida Iran.

Dowlada Iran ayaa Sacuudiga ku eedeysay inay dhaqaale xoogan ku bixisay kooxdii jabsaday bartooda Twitterka.

Baaritaan ay sameysay dowlada Iran ayaa waxaa lagu sheegay in falkii Jabsashada ahaa ee ka dhacay 10kii bishan Luulyo loo adeegsaday shirkado ku xeer dheer Jabsashada Emailada iyo baraha kale.

Barta twitterka ee la jabsaday ayaa waxaa lahaa warbaahinta Al Alam, waxaana lagu daabacay warar been ah oo la xariira wadahadalka ka dhaxeeyey Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Barta twitterka ee la jabsaday ayaa waxaa sidoo kale lagu qoray in Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim ay isla qaaten in saldhig militari ay ka sameystan dalka Qatar.

Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa faafinta warbixintaasi been abuurka aheyd ku bixisay dhaqaale xoogan oo la gaarsiiyay Jaraa’idka kasoo baxa Sacuudiga kuwooda ugu tayada badan.

Dhinaca kale, dagaalka dowlada Sacuudiga ayaa u muuqanaaya mid isku rogay Saxaafada, waxaana suuragal ah in dagaalka Sacuudiga uusan mirro dhalin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com