Imaaraadka oo xaqiijiyey inuu sii wadayo tageerada uu siiyo ciidamada Puntland

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sida Illo lagu kalsoon yahay ay sheegeen, dowlada Imaraadka ayaa Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland u xaqiijisey iney sii wadayso howlihii tababarka iyo samafalka ahaa ay ka wadeen degaanada hoos yimaada maamulkaasi.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay baraha bulshada (Facebook & Twitter) ay buux dhaafiyeen warar sheegaya in tababaraayaasha dowlada Imaraadka ka jooga maamulka Puntland ka baxeen.

“Dowlada Imaraadka waxay balan qaadey iney sii wadeyso taageerada ay siiso ciidamada Badda Puntland iyadoo u xaqiijisay dowlada Federaalka, Maamulka Puntland iyo beesha caalamka sida ay uga go’an tahay iney kala shaqeyso dalka Soomaaliya sidii markale cagihiisa isugu taagi lahaa,” Sidaas waxaa sheegey Sarkaal katirsan Ciidamada Badda Puntland oo diidey magaciisa in aan xusno xaalada jirta darteed.

Ciidamada Badda Puntland oo tiro ahaan ku dhow labo Kun [2,000] askari ayaa wadanka Imaraadka Carabta tan iyo intii la aasaasey waxay gacanta ku hayeen tababarkooda, qalabeyntooda iyo mushahaar siintooda.

Askarta PMPF ayaa ku kala sugan saldhigyo ku yaal xeebaha Puntland (Qandala, Bargaal Xaafuun), Buurta Galgala iyo agagaarkeeda.

Xiriirka dowlada Imaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa heerkii ugu hooseeyay gaarey kadib markii Axadii lasoo dhaafay garoonka diyaaraha Muqdisho looga qabtay lacag loogu tala galay in lagu bixiyo Mushaaraadka qeybo katirsan Ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa intooda badan dhaqaalaha ka tageera wadamada saxaiibka la ah sida Mareykanka, Midowga Yurub, Imaaraadka, Turkiga iyo UK.