Maxaa laga filan karnaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya?

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan.
Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah.
Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay.
dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mid yahay ayaa arrintaas diiday. Sacuudiga aad ayuu uga carooday mowqifka Faransiiska., Maxamed Binu Salmaam ayaana si adag ula hadlay madaxweynaha Faransiiska.
Sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah, marki uu si kale isu difaaci waayay mudane Makron, ayuu dabada la galay inuu Maxamed xasuusiyo in Faransiisku leeyahay nukliyeer sidaas darteedna uu dooran karo mowqifka dantu ugu jiro. Laakiin taasi ma anficin, ugu danbayna waxaa lagu qasbay inuu khafiifiyo hadalkiisa mudane Taraamna ka amar qaato.
Waxaan wada ognahay qaska ay ka wadaan Yemen, kaalinta ay ku lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee Turkiga iyo sida ay u maamulaan dalalka Masar iyo Liibiya.
Dalka sidaas u awood badan haddii laga xanaajiyo waxa laga filan karo waa tallaabooyin cadcad oo cashar u noqdo ciddi danbe ee ku dhiirran lahayd. Hasa ahaatee xaalka Soomaaliya sidaasi waa ka duwan yahay.
Awoodda ay leeyihiin dalalkaan waa midda jilicsan (soft power) gundhiggeeduna yahay lacag iyo maalgashi. Waxa ay ku xukumaan Galbeedka waa lacagtayda ayaan qaadan iyo konturaad ayaan ka bixin. Tusaale, 2015ki Ingriiska ayaa Sacuudiga isku dayay inuu ku eedeeyo xadgudubyada xaquuqda aadanaha.
Sacuudiga oo arintaas ka carooday ayaa yiri haddii aad kiiska sii waddaan waxaan joojinaynaa mashruuc ay ku bixi lahad lix milyan oo ahaa tababar xagga maxaabiista iyo xabsiayda ahaa. Ingiriisku waa addeecay inkastoo gadaal arrinti ka shaqayn wayday.

Imaaraatku Soomaaliya kuma laha maalgashiyo oo ugu cagajugleeyo joojintooda. Ma jirin kuwa soo socday oo uu ka noqdo. Sidoo kale, ma jirto lacag iyo dhaqaale uu si kale ugu taageero. Halka arrin oo uu isku hallaynayay waa ciidamada uu tababari jiray tiina dowalada ayaa soo afjartay. Waxaa la mid ah saaxiibkiis Sacuudi oo aan haysan wax u qasbo Soomaaliya.Jidka uu isticmaali jiray Sacuudigu wuxuu ahaa wadaadda uu jibka soo galiyay. Kuwiina hadda isagaa iska xiray oo aannan doonayn inuu wax ku darsado. Sidaas darteed Imaaraad dhimaca dhaqaalaha awood kuma lahan marki la joogo Soomaaliya.

Jid kale oo suuragal noqon lahaa inuu isticmaalo waa ganacsiga Soomaalida ee ku xiran Dubay. Soomaalida dhaqaalahoodi oo dhan waxay dhigteen Imaaraadka, albaabbada oo uu ka xirana dhaawac weyn ayay gaysan kartaa waxayna horseedi kartaa macaluul, qax iyo burbur cusub. Laakiin ganacsiga soomaalidu ku leedahay Imaaraadku kuma diiwaan gashana Soomaali.

Dhammaan ganacsatada waaweyn waxay leeyihiin baasaboorro dalal kale kuwaas ayay u isticmaalaan ganacsigooda maadaama uusan Imaaraadku aqbalin baasaboorka Soomaaliya. Haddii u yiraahdo ha guuraan soomaalidu waxaa yaraan cid guurto waayo dadka uu soomaali u haysto maba ahan mid walbana wuxuu aadi safaaraddiisi. Dabcan arrintaas waa ogyahay inaysan samayna u badan.

Haddii uu yiraahdo ma jiraan badeeco Soomaaliya u socoto oo isoo mari karto, waa dhib laakiin faaiido weyn ayaa ka dhalan. Maanta Soomaaliya waxaa loo aqoonsan yahay dal aan nabad ahayn xataa baddiisa aan la mari karin. Sidaas darteed maraakiibta waaweyn ma ogala inay yimaadaan, waana tan keentay inaan Dubay gashiin ka dhiganno.

Gashiinto oo uu Imaaraad joojiyo waxay keeni in si dhaqso ah loo raadiyo jid kale. Jidkaas wuxuu badan yahay inuu noqdo Soomaaliya iyadoo la isticmaalyo maraakiibta dalalka Aasiya. Haddii ay adkaato Kiinya ayaa fursad heli taasina Imaaraat dani uguma jirto.

Tallaabo kale oo adag aniga iyo dad kalana ay aad in muddo ah ooga cabsi qabeen waa inuu xiro xawilaadaha Soomalida. Taasi hadda cabsi badan kama qabo labo arrimood dartood. Midda hore waa tan kor kusoo xusay oo ah inay baasaboorro kale ku diiwaan-gashan yihiin. Tan labad ayaa ah in xawillada ugu weyn ee maanta isticmaalno ay tahay Dahabshiil.

Xiridda Dahabshiil waxay dhib ku noqon heshiisku uu la galay Soomaaliland,waxayna fursad siin madaxda Soomaalida ee rabto inuu heshiiskaas buro. Si kale haddaan u iraahdo, kaarka Soomaaliland ayaan garaacanaynaa inta dhibku jiro.

Haddii arrimahaas oo dhan shaqayn karayn waxa suuragal noqon lahayd inuu isticmaalo soomaali isaga matasho oo dowladda la dirirto sida uu ka sameeyay Liibiya iyo Yemen. Taasi hadda waxaad mooddaa in laga hor tagay. Kow, la wareegidda ciidamadi uu isagu tababaray waxay soo yaraysay khatartaas. Labo, waxaa gacan adag lagu qabtay dhammaan dadki lagu tuhmayay inay xariir adag la leeyihiin. Arrimahaas oo ah kuwa fara ku tiriska ah ee aan dowladda ku taageeray.

Sadex, Imaaraad waxaa loo nacay si ka daran Itoobiya. Taasi waxay keentay in maamul gobaleedyadi iyo kuwo ku qaraaban lahaa si kale ay xamili waayaan cadaadiska bulshada. Ninki lagu tuhumo inuu Imaaraad xariir la leeyahay waxaa loo arkaa khaa’inul wadan.

Xaqiiqda ayaa ah in shacabku rabo nabad iyo dowladnimo, dhib danbana uusan diyar u ahayn. Dhamaadki siddedamaadki dadka intiisa badan waxay maqlaan waxay ugu jeclaayeen dowladdi waa sii daciifaysaa laakiin maanta waxay ka naceb yihiin ma jirto ciddi dowladda ka hor imaaddo.

Haddaba haddii maroodi uu carto wixii u dhow ayuu jajabiyaa haddise aysan jirin wax ak joogo ciil ayuu la suuxaa. Imaaraad maanta inuu ciil la suuxo iyo inuu xariiftamo oo cid caawiso oo ka xalliso dhibka Soomaaliya ka haysto wax u dhaxeeyo ma jiraan.

Waxa maanta Soomaaliya sii xoojiyay ayaa ah in dagaalki qaboobaa dib u bilowday. Tartanka maanta loogu jiro hoggaanka adduunka ayaa Soomaaliya ka dhigayo meesha ugu muhiimsan dunida. Dalki ku xoog bato Soomaaliya ayaa hayn hoggaanka adduunka. Sidaas darteed dal walaba naftiisa ayuu u rabaa inaan looga hoos marin Soomaaliya.

Kolley quusan mayso oo qaadan waa ayay ku tahay in dal Soomaaliya oo kala ah sidaas ula dhaqmo balse waqtiga hadda la joogo Imaaraad habar shiish ayaa ku dhimatay.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid