Kheyre oo carro kala duldhacay taliyaha iyo saraakiisha booliska + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyayaal kale oo ka tirsan Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Gobolka.

Waxaa diirada lagu saaray kulanka arrimaha amniga la xiriira iyo qorshayaasha suggida ammaanka, waxaana khudbado kooban ka jeediyay Ra’isul wasaaraha iyo Taliyaha ciidamada Booliska.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre, ayaa goobta ka sheegay in dhibta ugu weyn ee heysta shacabka ay tahay sida qof waliba uu uga fakaraayo amnigiisa.

R’isul wasaare Khayre waxa uu sheegay shacabka inay  muujinayaan walaac la xiriira qarax inuu ka dhaco Magaalada in hay’addaha ammaanka aysan u gudan waajibaadkooda sidii loogu talo galay.

Waxa uu Mr Kheyr faray Taliyaha Booliska iyo Saraakiisha si dhaba ay u sugaan amniga Gobolka Banaadir, isla markaana la doonaayo inay gartaan in mas’uuliyadda koowaad ee saaran ay tahay suggida ammaanka Muqdisho, laakiin sidii loogu talo galay in aanan amniga loo sugin.

Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa “Waxa ugu horeeya oo shacabka nalaga rabo in aan qabano waxa ay tahay in aan masuuliyaddeena gudano, waa in amniga Magaalada aan wax ka qabano, waan ogahay inaad 24 saac shaqeysaan, laakiin inta dadka Magaaladan ku nool ay ka walaacsan yihiin qarax inuu ka dhaco, amniga sidii loogu talo galay ma’aanan u qaban.”

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa isweydiiyay su’aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin tirada iyo tayada ciidanka Booliska, qorshe la’aan amni inay jirto iyo su’aalo kale.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo.

Taliyaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa magaaladda muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wada shaqeynta Shacabka , Maamulka Banaadir iyo hay’adaha amnigu uu yahay mid aad u sareeya taasina ay keentay guulo amni.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com