Maxaa kala soctaa qodobada diirada lagu saari doono shirka uu maanta Khudbada ka jeedinayo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu Hoggaminaayo.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Dammaam uga qeybgalaaya shir madaxeedkii 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirka oo maanta Axad ah ka furmaya Magaalada Dammaam, ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxweynaha Somalia oo kaga hadli doona qodobo gaara oo khuseeya Somalia.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in culeyska lagu saaro qadiyadaha Falastiin, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya.

Madaxda carabta ayaa si qoto dheer uga doodi doona xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inta shirkan uu socdo in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya,isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga danaha guud.

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga, ayaa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadad Somalia Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha.

Geesta kale, shirka ayaa lagu wadaa in ugu badnaan uu socdo muddo laba ama seddex cisho, waxaana laga soo saari doonaa war-saxaafadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com